Saturday, May 1, 2021

Khudbadii Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo xaalada doorasho.



Khudbadu waxba kama ay duwanayn kuwii hore ee uu jeedin jiray kuwaas oo dhamaantood ku salaysnaa kasbasho dad weyne iyo marin habaabinta xalka markaas taagan.

Farmaajo waxa uu hadalkiisi kusoo koobay isdifaacid iyo eedayn uu u jeediyay dadkii ka soo horjeeday kudarsiga labadda sano ee baarlamaanka.

Ugu dambayntiina waxa uu ku baaqay in la isu imaado markale oo lawada hadlo taas oo iyana aan wax micno ah samaynayn iyada oo la ogyahay sida ay kusoo dhamaadeen wadahadaladii u dambeeyay oo ay dawladu miiska banaysay.

Su'aasha iswaydiinta u baahani waxa ay tahay sidee xal loogu heli karaa dhibaatada taagan maanta ee doorashada dalka.

Waraysiyo lala yeeshay Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie  iyo sidoo kale Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni  waxay labaduba cadeeyeen in aan marnaba lagu muransanayn heshiiskii 17 sep 2020 balse ay jiraan arimo kale oo uu muranku ka taaganyahay, sidaas si ka duwana dawladu waxa ay sheegtay in la isku hayo heshiiska 17 sept 2020 sidaas darteedna ay gogosha u baneeyeen.

Xalka ugu dhow waxa uu ku jira in la sameeyo gudi ka madaxbanaan siyaasiyiinta. Gudigu waxa uu samayna qorshaha wadahadalada iyo waliba qorshaha doorashada waxa uuna noqon doona mid ka madaxbanaan dawlada iyo dawlad goboleedyada.

Sido kale gudigu waxa uu goobjoog ka ahaanaya wada hadalada dawlada iyo dawlada xubnaha ka ah dawlada.

FG: Kulan kasta oo dhaca hadii aysan jirin cid dhexdhexaad ah wax mira kama soo baxayaan sidaas si lamid ahna kulan kasta oo dhaca hadii labada koox ee ishaya ay midi hogaanka hayso markasta iyagaa go'aanka marin habaabiya.

Tuesday, October 23, 2018

6 Terms Every Trader Should Know Before Starting to Trade


Trading can be overwhelming, especially when you’re just starting out. There’s so much to learn about different instruments, charts, and indicators that the amount of information can leave you feeling confused, and maybe even a bit hopeless. If you’re new to trading, keep in mind the most successful, experienced traders all started somewhere — and you can too.